ABOUT ME
Tami - Tamara - Ms. K-C
For St. Cloud City Council
Markasta u taagan sidii aa ugu adeegi lahaa bulshada Saint Cloud dagan guud ahaan.
Shaqooyinka ay soo qabatay
Tamara waa macalimad musiga dadka barta. 34 sano ayey xooga saaraysay sidii musiga ay dadka u bari lahayd. Musigu wuxuu kamid yahay waxyaabaha dadka isku keena ama caafimaad ka u wanaagsan. Markaa Tamara waxay markasta u taagtan tahay sidii musiga dadka u bari lahayd.
Tamara waxay ka mid ahayd Saint Cloud Teacher's Association, Representative Assembly representing Talahi Community School. Waxa kale oo ay u soo shaqaysay Tech High School and Talahi.
Tamara familigeeda aad bay u jeceshay
Tamara waxay ugu yartahay 7 carruur ah, waxaan ku kortay Ortonville, magaalo yar oo ku taal galbeedka Minnesota. Aabaheed wuxuu ka soo shaqeeyey Navy ee Pearl Harbor laakiin waa la fasaxay kahor qaraxii 1941. Intii lagu jiray WWII, wuxuu ahaa Taliyihii Shirkadda ee Badda Weyn ee Badaha Weyn ee u dhow Chicago.
Tamara iyo walaalaheed waxay ka shaqeyeen dukaan waalidkeedu u lahaa mudo 10 sano ah; abaheed wuxuu noqday tifaftiraha warqada magaalada, kadibna Gobolka Minnesota asaga oo ahaa baaraha canshuuraha. Tamara waalidkeedu waxa kale oo ay lahaayeen ganacsi farsamo gacmeed, oo ay ka shaqaysay, Wax kale oo ay leedahay Khibrad ku saabsan ganacsiga qoyska, oo ay weheliso kaqaybgalkayga kooxaha heesaha iyo musiga. Tamara waxay ka baratay musig Iyo tijaarada Jaamacadda Minnesota ee Moorhead ku taal.
Caruurtayda, Joe Campion, Jr. Iyo Rachel Campion, waxay dhigteen iskuulada dadweynaha ee Talahi, South, Tech, iyo St. Cloud Technical & Community College, ugu dambeyntii waxay ka qateen shahaadooyin martigalinta Jaamacadda St. Cloud State University. Tamara waxay ahayd qof aad u firfircoon oo taageerta waalidinata. Tamara qayb weyn ayey ka qaadatay caruurteeda iyo caruurta magaaladu siday u noqon lahaayeen kuwa guulaysayta oo meel fiican gaara.
Tamara madax ayey ka soo noqotay 'Girl Scout'. Tamara waa xubin ka mid ah Kaniisada Koowaad eePresbyterian-ka ee St Cloud. Tamara waxay guursatay Dan Calhoun, oo Injineer farsamo yaqaan ka ah TDK Hutchinson Tamara waxay jeceshahay inay wakhti fiican la qaadato caruurteeda Iyo ninkeeda.
Tamara maxay qabatay markay gashay howlgabka
Hawlgabnimadu Tamara waxay siisay fursad ay waxyaabo badan kaga qabato bulshada; sida ka qayb qaadashada qaybaha kale duwan ee bulshada sida kaniisadaha,iyo ururada bulshada. Muddo 17 sano ah, Tamara hoggaamiye ayey u ahayd ISAIAH, oo ah urur xooga saarayaa isbeddelada siyaasadaha la xiriira caddaalad darrada bulshada, midab-takoorka iyo dhaqaalaha.
Sanadihii 2016, 2017 iyo 2019, waxay Tamara u safartay MN State Capitol si ay uga shaqeyso ololaha NorthStar Train si ay uga shaqeyso kordhinta maalgelinta waxbarashada iyada oo la kaashanaysa golaha wakiilada iyo ururada bulshada.
Sanadkii 2018, Tamara oo ah hogaamiyaha ISAIAH, waxay ka shaqeysay Heshiiska Boliiska Bulshada ee Cloud. Tamara waxay hadda ka mid tahay xubnaha guddiga 'SCERAC (St. Cloud Education Advocacy Council) si ay ugu dacwooto maal-galinta ee dugsiyada dagaanka 742. Tamara waxay ka qeybgashay tababarka hoggaanka ISAIAH ee toddobaadlaha ah ee 2004 iyo 2019.
Tamara waxay Safaro howlgal ah ugu baxday Brazil, Costa Rica iyo Pakistan taasoo oo ay wadamada ka qabatay waxyaabo kale duwan sida baritaanka musiga ama dib u dhiska dhulka masiibooyinka dabiiciga ku dhaceen.
Khibrada Tamara u leedahay siyaasada
Tamara waalidkeeda waxay qayb ka qaateen siyaasada iyo arimaha bulshada. Abaheed wuxuu ahaa republican hooyadeedna democrat, Si kastaba ha noqotee, wada hadaladooda siyaasadeed ee guriga ka dhex dhaca waxay ahaayeen kuwo ilbaxnimo iyo xushmad leh.
Tamara iyo faamiligeeda Waxaan ahaayeen kuwa si wanaagsan ula socda dhacdooyinka bulshada iyo siyaasada gudaha iyo dibad.
Tamara waxay ka shaqaysay meelo badan khibrad gaarana u leedahay arimaha bulshada iyo siyaasada taaso u saamaxaysa inay u adeegto bulshada ku dhaqan Saint Cloud degmadeeda oo idil. Sababtaas ayay ugu tartamaysa inaan ka mid noqdo kana qayb qaadato doorashada St. Cloud Gudoomiyeyasheeda sanadka 2024.
Mahadsanid